HADDAAD QOSLI WAYDO
     
BOGGA HORE

MAAHMAAHYO

HOGGAMIYAASHA

ILA QOSOL

MUHA'S CONTECTS.

 DHEGEYSO MUXAADAROYINKA

SUUGAANTA

MUHA VISITORS BOOK

PHOTO2

 
Waxaa Diyaarada ku wada qornaa laba nin oo midi yahay Falastiini, kan kalena Yuhuud. Weliba labadooda kursi waa is xigeen. Kan Yuhuudka oo kusoo hormaray fadhiga ayaa markuu arkay in Falastiinigu rabo Kursida xigey dhanka Dariishada waxaa markiiba gashay Carabkaan u aqoonso inuu xigsado dhankaas oo uu ka daawan karto view-ga dibada ee ama dhulka hoose, ama Buuraha ama daruuraha ama...Sidii ayaa Yuhuudigii u xigsaday dhankii Dariishada. Markii ay diyaaradu mudo hawada kusii jirtey ayaa Yuhuudkii yiri inuu Falastiinigu siiyo jidka yar ee u dhexeeya labada saf ee kuraasta diyaarada. Si uu usoo qaado cabitaan Juice ama kaleba. Falastiiniga Lugihiisa ayaa u fidsanaa. Markiiba Falastiinigii ayaa yiri iska fadhi Anigaa kuusoo qaadiye. Intii uu ku maqnaa Cabitaanka ayaa Yuhuudigii wuxuu arkay in Falastiinigu kabihiisa iska bixiyey. Markiiba waxaa la qurxoonaatay inuu Xaako iyo wixii afkiisa ka imaan karey inuu kabihii Falastiinaga ka buuxsho. Falastiinigii cabitaankii wuu keenay, kiina wuu cabay. Markii Diyaaradu caga dhigatay ee uu rakaabku bilaabay inay ka degaan diyaarada ayaa uu Carabkii arkay Kabihiisii markaasuu si xanaaq leh u yiri sidatan
"Goormaanu joojinaynaa colaadaan joogtada ee aanu isku hayno, dilka maalin walba, is xabadayta, is qarxinta...Hadeer oo ugu danbaysay Adiga kabahayga sidaan baad u gashay, Anigana cabitaankaagii baan kaadi kuugusoo daray!!"

GOORMAAD QOSOL KUUGA DAMBAYSAY
Nin baa maalin ka soo rawaxay shaqadiisii isagoo kulul buuna yimid gurigiisii isla markiiba xaaskiisii oo baariyad aheyd baa biyihii iyo saabuuntiiba musqusha ugu diyaarisay ninkii maba sii daahine musqushii buu si halhaleel ah u galay intuusan dharkii iska dhigin ayuu musqushii ku simbiriray oo korkaa sare ka yimid dhulkana sidii qarihii ka dhawajiyey naagtii baa dhawaqaa ka naxday kuna tiri "alla!! xaaji maxaa dhacay" .ninkii baa yiri isagoo ka xishoonaya in uu yiraahdo waan dhacay"surwaalkii & shaatigeygii baa dhulka ku soo dhacay .
naagtii baa hadana tiri xaaji dhawaqu shaar iyo surwelna wuu ka weynaaye waa sidee xaaladu .
ninkii baa hadana yiri naa anigaa ku dhex jirey !!!

HADAAD QOSLIWEYDO !!!!
waxaa dhacday in nin kasoo ambabaxay degmada jariiban uu usoo martiyay reer leh talephon ninkii waxaa la seexiyay qolkii taleephonka yaalay saqdii dhexe ayaa waxaa dhawaaqay talephonkii ninkii intuu yara cabaar aamusay ayuu markuu dhamaaday Ringihii talephonka ayuu xabadka kuu soo raftay ilaa & reerkii guriga lahaa albaabkoodii una garaacay wuxuuna ku yiri isagoo codka gaabinaya "war ka soo baxa Guriga" warka soo baxa Guriga" reerkii ayaa dibada u soo wada yaacay ayagoo aan wax hubsan markii meel guriga wax yar u jirta la yimid ayaa la is wareestay oo layiri warheedhaha maxeynu ka soo baqanay ileyn wax na ceersanya ma jiraane. War adiguse maxaad aragtay? markaas buu yiri ninkii inagaad guri miino ku jirto na seexinaysaan' dadkii oo la yaaban baa yiri "war maxaad leedahay" markaas buu yiri war bahashaa miinada la yiraa anagay dadkaynii eber ka siiday markaa cid naga badisaa ma jirto.
dadkii ayaa waxay ka codsadeen in uu is dajiyo dabadeedna si dagan wax ugu sheego markaa buu yiri horta ma aragteen in aan malatari ahay sidaan xabadka ugu soconayay markaan idiin soo garaacayay "haa bay yidhaahdeen ayagoo wali yaaban hadaba waxaa guriga ka dhawaaqday miino nooca loo yaqaan jalfisada marka hadaa aragtaan xaaladaa oo kale xabadka ayaa lagu socdaa oo miinada kor bay u qaraxdaa marka anu halaagaa baan idinka soo badbaadiyey .
dadkii oo weli aamini la dadkii ayaa waxay u dhaqaaqeen dhankii guriga asgana asagoo baqaya ayuu aayar uraacay markii ay soo gaareen ayagoo ka baqaya guriga ayay maqleen dhawaaqa taleephonka markaas buu yiri waa taa dhawaaqaysa dadkii ayaa qosol la dhacay asagiina cagha ayuu wax kadayay asagoo leh in na halgaan bay rabaan qosol

 
   
 

ciyaaraha