muxaadarooyin
     
BOGGA HORE

MAAHMAAHYO

HOGGAMIYAASHA

ILA QOSOL

MUHA'S CONTECTS.

 DHEGEYSO MUXAADAROYINKA

SUUGAANTA

MUHA VISITORS BOOK

PHOTO2

 

JUXAA IYO SACIISI
Baribaa Waxaa jiray nin la oran jiray Juxaa wuxuu daganaa magaalo. Magaalada dadka dagan waxay u badnaayeen dad maal qabeena ah marka laga reebo isaga oo ahaa nin faqiir ah wuxuuna xoolo oodhan ka lahaa hal sac.
Juxaa ma uusan daryeeli jirin saciisa wuxuuna gurigiisa ka bixi jiray wakhti hore oo ay dadku hurdaan wuxuuna guriga kusoo laaban jiray marka ay qoraxdu dhacdo kadibna wuxuu maali jiray saca markaa kadibna hurdo ayuu isu diyaarin jiray.
Dadka magaalada dagan war uma ay haynin juxaa waxa uu qabto waayo subixii sida uu guriga uga boxo wuxuu kusoo laaban jiray marka ay qorraxdu dhacdo ee ay tahay maqribka.
Juxaa saciisa wuxuu soo daaqi jiray beeraha ay lahaayeen dadka hodanka ah ee magaalada daganaa Maalintii dambe ayaa dadkii waxa ay ka warheleen in uu juxaa siciisu daaqo beerohooda.
Maalintii dambe ayaa waxay dadkii go'aan ku gaareen in ay saca gawracaan
waxay ayna soo qabteen sicii isla markaana ay keeneen gurigii uu juxaa daganaa
Dhagta ayayna dhiiga u dareen sicii waxayna sugeen ilaa iyo inta uu ka imaanayo Juxaa sidii caadada u ahayd ayuu yimid gurigiisa amin makhrib ah waxa uuna arkay dad aad u farabadan oo gurigiisa jooga kadibna wuxuu indhaha ku dhuftay siciisii uu xoolo oodhan ka naxay oo dhagta dhiiga loo daray
hadaba wuxuu sameeyay isaga oo aan cidna la hadlin ayuu qaatay haragii saca
laga saaray oo yaalay meel markaas ayuu gurigii garab maray oo wadada cagta saaray dadkii si aad ah ayay u yaabeen waayo waxa ay ka filaayeen in uu waydiin doono sababta saca loo qalay balse lama uusan hadal
waxaa kasoo wareegtay mudo aad u dheer intuu juxaa ka maqnaa gurigiisa wuxuuna booqasho ugu tagay nin ay saaxiibo ahaayeen oo daganaa magaalo u dhawayd isla markaana ninkii ayaa si fiican usoo dhaweeyay oo hadiyadna siiyay midaas oo ka koobnayd dahab aad u tira badan
kadib juxaa wuxuu usoo amba baxay magaaladii uu daganaa markii uu magaaladii yimid dadkii ayaa waxa ay arkeen isaga oo wato dahab aad u tirabadan markaas ayay waydiiyeen meesha uu ka helay dahabkan uu sito wuxuuna ugu jawaabay waxaan kusoo iibsaday lacagtii aan ku gaday haragii sacayga aad qasheen
dadkii markii ay arintaa maqleen ayay ku dhaqaaqeen in ay gawracaan lo'doodii ay dhaqanaayeen si ay haraga dahab ugu soo iibsadaan balse markii ay safriyeen hargihii ma ayna helin cid ka iibsata waxayna soo noqdeen iyaga oo si aad ah ugu xanaaqsan juxaa go'aana ay ku gaareen in ay dili doonaan marka ay arkaan
waa socotaa !!!!
W/D:muhudiin mohamed kheyre


Baribaa waxaa jiray nin aad u foolxumo badan magaciisana waxaa la odhan
jiray Qaaji, wuxuuna uuna ka shaqayn jiray makhaayad ay dadku ka cunteeyaan
maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa makhaayadii yimid laba nin ee reer miyi
ah markii ay fariisteen ayay Qaaji ka codsadeen in uu u keeno shaah
hase yeeshee Qaaji waa uu iska dhaga tiray labada nin ee reer miyiga ah
kadibna labadii nin mid kamid ah ayaa wuxuu kor ugu qalyay Qaaji isaga oo
ugu yeeraya War dulqaxwoow shaah nasii Qaaji se dheg uma uusan dhigin
qaylada labada nin ee reer miyiga ah wuxuuna iska sii watay shaqadiisii
uu hayay kadibna labadii nin waa ay xanaaqeen mid kamid ah ayaa wuxuu
soo qaatay dhagax markaas ayuu ku dhuftay qaaji oo sii jeeda
markaas ayuu Qaaji aad u qaylyay isaga oo oranaya aaa aaa waryaa dhagaxa igu dhuftay markaas ayay labadii nin ee reer miyiga ahaa ku yiraahdeen war anagaa dhagaxa kugu dhufanaye shaah noo keen.
Qaaji waxa uu markiiba shaahii u keenay labadii nin markii ay shaahii cabeen ayuu Qaaji soo qaatay laba dhagax markaas ayuu labadii nin oo sii jeeda
madaxa kaga dhuftay kadibna labadii nin ayaa aad u qaylyay iyagoo oranaya
aaa aaa aa waryaa dhagaxa nagu dhuftay Qaaji oo ah ninka dhagaxa ku dhuftay
ayaa wuxuu ugu jawaabay waa aniga oo lacagtii doonaya!!!!!!!!!!!!!
DHAMAAD

websideyada
taariikhda somalia al bariik halkaan waxaad ka heli kartaa websaaytka jaamacadda la yiraahdo adhadhi
IBRAHIM AL DUWAYSH halkaan waxaad ka heli kartaa al jazeera
maktoob.com ku booqo halkaan websaaydka maktuub loo yaqaan.
somalinet.com halkaan waxaad ka heli kartaa somlinet ama somlichat.

idaacado
bbcsomali meesha tan kala soco BBCda afka somaliga ah.
bbcarabic.com halka kan waa BBCda afka carabiga ee ka daawo
sultan kala soco halkaan webka sultan
arlaadi Be sure to place a description of your link for your viewers here!
midnimo Be sure to place a description of your link for your viewers here!
hiiraan Be sure to place a description of your link for your viewers here!
hornafrik Be sure to place a description of your link for your viewers here!
Add your link here Be sure to place a description of your link for your viewers here!
Add your link here Be sure to place a description of your link for your viewers here!

 
   
 

mahad allaah ayaa iska leh