cigaal shidaad
Kol baa waxaa la yidhi, Juxa wuxuu lahaa adhi fara badan markaa maalinbuu arigii raacay ,kol Qorac gaabadkii ah ayuu arigii u soo jeediyey xagii gurigga, meel dhexe isagoo soo wada arigii ayuu Bahal Libaax dadqaad ah dhexda kaga soo dhacay arigiina kala yaaciyey Lax aad u cayillan ayuu dusha kaga dhacay,
Cigaal markuu arkay in waxa arigii kala didiyey uu Libaax yahay maba si daahine caguhuu dhulka ka qaaday wuxuu ordaba meel tuulada u dhaweyd ayuu u fadhiistay kuna sugay.
Arigii intiisii kale ayuuna soo hoyey, dadkii tuulada markey arken arigii oo dhaga taagaya iyo cigaal oo fiigsan ayey ku soo yaaceen waxaana la weydiiyey waxa qabsaday,
Cigaal baa yidhi libaax baa dhexda nagu helay oo lax buu naga soo reebtay ,
raggii baa intey ku yara caroodeen hadalkiisa ku yiraahdeen waar wax baqtiyey baad tahaye maxaad libaaxa laxda uga ridi weydey .
cigaal oo is difaacaya baa yidhi war miyeydaan maqlina maahmaahda soomaaliyeed ee oraneysa "Libaax Nimaan Aqoonini baa lax ka rita" marka anu Libaax aqoon fiican baan u leeyahay oo kama ridi kareyn
Sedex Doqon
marbey 3 doqoni salaad wada tukadeen,intii ay salaada ku jireen buu wan gadaal kaga yimi kuna buubleeyey, mid ka mid ahaa ragii baa yiri isagoo salaada ku jira "war bal muxuu wanku naga doonayaa .
kii kale oo u caqli celinaya baa isna yiri "war naga aamus salaada laguma dhex hadlee.
Kii Imaamka u ahaa baa hadana yiri labadiinuba salaadiina waa khalaas.!!!
Online Contact Info
arsenal
ciyaaraha aduunka
worldsport.com
Remember: it's important to regularly change the content on your site and make updates to the information that you display. Doing this will help you to get more return visitors. |