MAAHMAAH MAYMAAY AH
     
BOGGA HORE

MAAHMAAHYO

HOGGAMIYAASHA

ILA QOSOL

MUHA'S CONTECTS.

 DHEGEYSO MUXAADAROYINKA

SUUGAANTA

MUHA VISITORS BOOK

PHOTO2

 
FIIRO GAAR AH
Waxaan halkaan ku qorayaa maahmaaho afka Maaymaayga ah oo looga hadlo dhul aad u balaaran oo ka tirsan dalka Soomaaliya:-
1- Aduunyi ajab ajabtiye Aada jinkaa guursiti aaw dheh ye kiin dilaase!!
Sharaxa maahmaahda: Aduunyo cajaa'ibteeda waxaa ugu yaab badan hooyadaa oo guursatey qof da'daadi ah waxay kuu dagaaleysaa aabe dheh!. maahmaahdaan waxaa lagu hal qabsadaa marka qofka uu arko ama ay ku dhacaan wax amakaak ah oo uusan filaneynin laguna qasbo in uu sameeyo wax uusan raali ka ahayn. Waxaana la sheegaa in maahmaahdaan ay ku timid in wiil dhalinyaro ah uu guursadey hooyada wiil saaxiibkiisa ah oo meel iskala caweyn jiraan aad iyo aadna isugu
dheeraayeen, markaasaa wiilkii hooyadiisa ku qasabtey in uu wiilkii uu yaqiiney oo saaxiibkiisa ahaa uu yiraahdo AABE!
2-Libee dhulshey in roogni jhabaan sagaari ye leyi!
Sharaxa maahmaahda: Libaax aan dhulkiisa joogin wuxuu lee yahay jabaq sagaaro! Waxaa lagu hal qabsadaa maahmaahdaan marka qof uu tago deegaan ama meel uusan markaasi ku muujin karin shakhsiyadiisa dhinac walba ha ahaato cilmigiisa,geesinimadiisa, xooggiisa, iyo kartidiisa Ilaahey ku maneystey ayadoo ay jiraan waxyaabo ka hor istaagaya.
Waxaa la sheegaa in maahmaahdaan ay ku timid beri nin aad iyo aad geesi u ahaa oo intuu u safray meel baha gooyo ayaa waxaa ka hor yimid niman uu ka shakiyey in ay tuugo ahaayeen uuna u cabsadey in ay ka xadaan intii yareyd ee jid marka u ahayd. Waxaa ka hor yimid niman socoto ah markaasey intey la yaabeen waxay ku yiraahdeen war maxaa ku helay? markuusuu ugu jawaabey maahmaahdaan
Ali



FIIRO GAAR AH
1- Adoo barwaaqo u balawaada balooy kaalay lama yidhaa haday kuu timaadana lama booyo boowe.
2- Aqoon la,aani waa iftiin la,aan
3- banaankiise mare maradiisa geed maxagto
4- Baruurbaa baruuryo qudhmisa
5- Biyo meel godan bay isugu uruuraan.
6- Caano daataba dabadoodaa la qabtaa
7- Ciidan yari ciidan la,aan buu dhaamaa
8- Daad intuunan ku soo gaadhin ayaa la,iska moosaa.
9- Dacawo meel ay macal uga baratay bay macaluul ugu dhimataa.
10- Dadku hadalkuu is ku gartaa duunyaduna urta
11- Dahab ninwaayaa caasiyey
12- Dameeri dhaan raacday
13- Dameeri isku halaynbay hooyadeed daba uga nuugtaa
14- Dameertii rar doonta xero safartay tagtaa
15- Dani waa seeto
16- Dibiga gawrac wayshu ha ku quusqaadatee
17- doqoni sokeeye maaha
18- Doqoni xadhkaha lagu xidhi xusuladay ku sidataa
19- Doqonimo dawo maleh.
20- Dudumo dareensi maahine dugaalshi malahan.
21- Durbaan garabkaa ha kuu sudhnaado ama gacalkaa hakuu hayo
22- Fulay hooyadii ma gablanto
23- Fulay xantii ma,mooga
24- Gabiga huduudi ana orod iyo ashahaadaan ku maraa ragna wuu hadhsadaa
25- Geel duqbaa loo tumaa
26- Geel jire geela wuu wada jiraa wuuna kala jiraa
27- Geela curadiisii durdurisay aaran kiisa maxaad u malayn
28- Geenyada iyadoo ordi waxaa usha loogu dhuftaa ha badiso.
29- Guumays ninkii geed ka fura gabadhiisa ku xidhaa
30- Habar fadhida lagdini la fudud
31- Hadal in tuu uurkaaga ku jiruu amaano leeyahay
32- Hadal waa margi
33- haday fooli timaado gudo qarsiimo hadhay
34- hal diidani geed ay ku xoqoto ma waydo
35- Hal xaaraanahi nirig xalaal ah ma dhasho
36- Harag sagaaro iiga kacmooyee iiga durug maleh
37- Hubsiino halbaa la siistaa
38- Ileen hadal aa ma yidhaahdo
39- Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadintay taqaanaa
40- kaadi badene waa loo gogol badiyaa
41- Kas naageed iyo kabba waa la rogaa.
42- kas naageed uu kadaloob rag kaaga danbeeyay kaad ku ogeed maaha.
43- Kor waayeel waa wada indho
44- Kub geel jire kor looma maydho
45- Kud ka guur oo qanjo guur
46- Laabi laba uma le
47- Lama huraan waa caws jiilaal
48- Lug yahay ninwalba ku qaad
49- Matag iyo ciil midna meel aad rabto kuguma simo
50- nimaad dhashay kuma dhalin
51- nin aan shantaadu kaa reebin sharci kaama reebo
52- Nin daad qaaday xunbo cuskay
53- nin durbaan tuntay ilaaq dalbay
54- Nin habari dhashay hal ma seegi waayo
55- nin kuu digay kuma dilin
56- Nin qowl ka dhacay wa geed qolofi ka dhacday
57- Nin soori qaaday waa nin seefi qaaday
58- Ninkaad dilli ninkaad daggi waa leysu kala daadshaa yuusan kaa didine.
59- ninkii magacaaga yaqaanaa maqashaada koriya
60- Oodo dhamaceed say ukala koreeyaan baa loo kala guraa
61- Run iyo ilkaba wa lacadeeyaa
62- Ruuxii soo joog laga waayo soo jiifsaa laga helaa
63- Sagaaro tun la kala gooyo maleh
64- Sagaaro saalo muuqatay aastaa
65- Shimbirba shimbirkiisuu la,duulaa
66- Siin iyo saad waa la kala soocaa
67- Talo walaalkii diide tagoogteeduu ka jabaa.
68- Waayeel tag lama dhahee wuxuu ku tagaa la tusaa.
69- Walaahiye walaalo isnacay way xoolo yareeyaan ooy xabaalo badiyaan,bilaahiye meel aan biyo lahayn barako maleh,talaahiye timo dheer dumar tab ay ka talisay tafantoof abidkeed kama baxdo.
70- Xabaali qori kutuur mooyee qori ka qaad maleh.
71- Xalaal iftiinbaa la qashaa
72- Xoolo waa xaab daaq.dadna waa xandaaq
73- Yaxaas afka haduu kula gafo dabada kulama gafo.
74- Dagaal godahaaguu ka dhashaa
75- Dameeri mahadhsato hooyadeedna ma hadhiso
76- Dab dameeraad yuuna bakhtiyin yaan uga jeedaa
77- Dameer ceel ku dhacday kooy-kooy na waa lagu dayaa
78- Gallad midgood waa in tuu gafuurku qoyan yahay
79- Geelu labada hore haduu habeed ku yeeshu waa gad uu la soo baxay haduu labad danbe ku yeeshana waa gad uu lahaan jirey.
80- Labo walba isa saarayoo laba tagoogood isma saarin
81- Nin tuur lehi tabuu u seexdo ma waayo
82- Todoboba talo ka dhalatay

Others

muhudiin2002@hotmail.com

Links to Other Sites
My Links

 
   
 

muhudiin mohamed abddale